Faah faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay duleedka Jowhar + khasaaraha

0

JOWHAR (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax miino oo maanta ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Jowhar ee caasimadda HirShabelle.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa ka dhacay inta u dhexeysa Jowhar iyo garoonka diyaaradaha ee Maxamed Dheere, iyada oo lala eegtay ciidamo galbinayey gaadiid marayey halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga qaraxa uu haleelay uu la socday Mahad Cumar Cabdi oo ka tirsan guddiga FEIT, kaas oo uu dhaawac soo gaaray.

Sidoo kale waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday askar kale oo la socotay baabuurka la qarxiyey, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, balse ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here