Faah faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay gobolka Sh/Dhexe

0

BALCAD (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay deegaanka Qalimow oo ku yaalla wadada isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu si gaar ah uga dhacay goob maqaaxi ah oo ay fadhiyeen askar ka tirsan dowladda iyo dad kale oo shacab ah.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan saddex ruux, halka ay ku dhaawacmeen sideed kale oo dhaawacyadooda loo qaaday magaalada Jowhar.

Xaaladda ayaa haatan ah, waxaana Qalimow howl-gallo kooban ka sameeyey ciidamada milatariga Soomaaliya ee ka howl-gala halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here