Safiirka cusub ee Mareykanka oo soo gaaray Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN)Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Danjire Larry Andre ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, ku dhowaad sanad kadib markii la magacaabay, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay safaaradda.

Qoraalka safaaradda oo lasoo dhigay Twitter ayaa lagu yiri “waxaan ku faraxsannahay inaan ku dhowaaqno imaatinta Danjire Larry Andre.”

“Waxa uu aad u daneynayaa inuu si iskaashi leh ula shaqeeyo shacabaka Soomaaliyeed, dalkooda iyo dowladda federaalka, si loo horumariyo hadafyada aan wadaagno ee dib usoo nooleynta Soomaaliya oo ah qaran ammaan, barwaaqo iyo dimoqraadi ah.

Danjiraha cusub ayaa Soomaaliya imanaya ayada oo ay ka jirto xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay muran aan dhammaad laheyn oo hareeyey doorashada, waxaana dowladda Mareykanka ay horey ugu hanjabtay inay xayiraado la beegsan doonto kuwa carqaladda ku ah doorashooyinka Soomaaliya.

Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa 18-kii December ansixiyay in Larry Edward Andre, Jr. uu noqdo Safiirka Mareykanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna beddelay danjire Donald Yamamoto oo xilkaasi hayay tan iyo bishii October ee 2018.

Madaxweyne Mareykanka Joe Biden ayaa bishii April 2021 magacaabay Larry André Jr, oo ah rug caddaa muddo badan kasoo shaqeynayay.

André ayaa hore u ahaa safiirka Mareykanka ee Jabuuti intii u dhaxeysay November 2017 illaa January 2021, isaga 2014 kii ilaa 2017 soo noqday safiirkii Maraykanka ee dalka Mauritania.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here