Faah faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay Kismaayo + khasaaraha

0

KISMAAYO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay isgoyska Leegada oo ku yaalla magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in gaarigiisa loogu xiray Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ku geeriyooday goobta.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxan ay ku dhaawacmeen dad kale oo la socday gaariga la qarxiyey.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa gaaray meesha uu qaraxu ka dhacay, waxaana ay sameeyeen baaritaano kooban.

Sheekh Cabdinaasir oo ka mid ah culimada caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa ka yimid magaalada Laascaanood, wuxuuna howlo Diimeed u tegay magaalada Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here