Xuska sanad guurada 52-aad ee ciidanka Asluubta oo lagu qabtay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Munaasabad lagu xusayay sanad guurada 52-aad ee kasoo wareegatay markii la asaasay ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho iyo qaybo ka mid ah gobollada dalka.

Janaraal, Mahad Cabdiraxmaan Aaden taliyaha ciidanka Asluubta oo munaasabadda ka hadlay ayaa salaam iyo hambalyo uu u diray saraakiisha, s/xigeennada , debleyda ciidanka Asluubta iyo xaasaskooda ka dib sheegay in xuskan mid la mid ah uu ka socdo meelo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Taliye Mahad ayaa sheegay in ay ciidamada kale ee dalka kaga duwan yihiin howlaha dhaqan celinta iyo barbaarinta dhallaanka tabaalaysan oo ay ku jiraan kuwa la qalday ee loo adeegsaday falalka argagixisanimada, wuxuuna sheegay in carruurta nolosha ka dhacday ee ay hayaan iyo kuwa kaleba ay wax badan u qabteen.

Janaraal Mahad Cabdiraxmaan ayaa sheegay inay kooxaha nabad diidka kordhiyeen ficilladooda gurracan intii ay ku mashquulsanaayeen doorashooyinka dalka ka socda, iyagana looga baahan yahay inay qabsadaan waajibaadkooda isla markaana ay qaadaan tallaabooyin ka dhan ah dhagarta ay maleegayaan nabad diidka.

Sidoo kale, wasiirka caddaaladda XFS , Xasan Xuseen Xaaji oo munaasabadda ka hadlay ayaa ciidanka Asluubta ku ammaanay wax qabadkooda sida ka qaybqaadashada dib u dhiska dalka, ilaalinta maxaabiista, daryeelka carruurta dhibaataysan, isagoo sidoo kale bogaadiyay doorka ay ka qaateen difaaca qaranka iyo sugidda amniga.

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo la unkay sanaddii 22/2/1972 ayaa ka mid ah afarta ciidan ee uu dalku leeyahay, iyadoo ay howshiisu tahay ilaalinta iyo dhaqan celinta maxaabiista, wax barista, toosinta iyo xannaanaynta carruurta derbijiifka iyo ka qayb qaadashada difaaca dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here