Faah faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Jowhar + khasaaraha

0

JOWHAR (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta qarax khasaare geystay uu ka dhacay duleedka magaaladaasi, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu haleelay Mooto Bajaaj ay la socdeen dad shacab ah.

Ugu yaraan afar qof oo saarnaa Mootada ayaa ku dhintay qaraxan, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah oo ku sugan deegaanka Xaanshooley oo ah halka uu qaraxu ka dhacay.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka HirShabelle oo ku aadan qaraxaasi lala eegtay dadka shacabka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here