Sawirro: CC Cabdishakuur, Kulane iyo xubo kale oo loo doortay BF

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Doorashada oo lagu bilaabay kursiga HOP#138 ayaa waxaa ku soo baxay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo indhowaanahan ku sugnaa Dhuusamareeb.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah xubnaha mucaaradka ayaa helay 86 cod, kadib markii ay u tanaasushay Marwo Naciimo Xuseen Cali oo la tartami laheyd.

Sidoo kale kursiga labaad ee HOP#007 waxaa kusoo baxay Farah Cabdi Diini oo ah guddoomiye ku xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, kaas oo isna helay codad dhan 76 cod, kadib markii uu u tanaasulay musharax Maxamed Cabdi Cali.

Kursiga saddexaad ee HOP#040 ayaa waxaa sidoo kale loo doortay Cabdullahi Aadan Kulane, kadib markii uu u tanaasulay musharrax Xasan Cabdi Jaamac oo la tartami lahaa.

Kulane ayaa helay 101 cod, oo ah dhammaan ergada ka qayb-galeysa doorashada, sida uu shaaciyey guddiga SEIT ee Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here