Faah-faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay Qoryooley + Khasaaraha

0

QORYOOLEY (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax culus oo xalay ka dhacay gudaha xero ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Qaraxa oo ahaa miino ayaa lala eegtay goob ay ku sugnaayeen saraakiisha amniga degmada oo xilligaas joogay gudaha xerada, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan waxaa qaraxa ku dhintay 2 askari oo uu midkood ahaa taliye Unug magaciisa lagu soo koobay Sandheere, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Sidoo kale waxaa dhaawacmay taliyaha booliska Qoryooley Cali Waal iyo talihii hore ee Nabad Sugidda degmadaasi Cabdikariin Cadow iyo askar kale oo goobta ku sugnaa.

Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, waxaana degmada Qoryooley howlgallo baaritaano ah ka wada ciidamada ATMIS iyo kuwa ammaanka ee degmadaasi, si gacanta loogu soo dhigo kooxihii ka dambeeyay falkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here