Faah faahino kasoo baxaya qarax lala eegtay taliye Farxaan Qaroole

0

MUQDISHO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo goordhow duleedka Muqdisho lagula beegsaday taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Banaadir, Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole).

Qaraxa ayaa kolonyo galbineysay taliyaha lagula eegtay, halka loo yaqaano Shabelle oo ku taalla wadada aada dhanka Afgooye.

Ugu yaraan 4 askari oo ka tirsan ciidamada ilaalada Farxaan Qaroole ayaa ku dhaawacmay qaraxa, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in xilliga ka qarxinayey taliyaha Booliska gobolka Banaadir uu ka yimid dhinaca deegaanka Calamada, kuna soo jeeday Muqdisho, mana jirto waxyeelo kasoo gaartay qaraxa marka laga reebo qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro qaraxyo ah ka fulisa wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here