Sawirro: Gudddoomiyaha BF oo kulan deg-deg ah la yeeshay saraakiisha ATMIS

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caawa kulan deg deg la yeeshay saraakiisha sar sare ee howlgalka nabad ilaalinta ATMIS.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ahaa ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Africa marwo Fiona Lortan, Taliyaha Guud ee Ciidanka ATMIS ee Soomaaliya Lt. Gen Ndegeya Diomede, iyo Brig. Gen. Keith Katungi oo ah Taliyaha Guud ee qaybta Sector One ee ciidanka ATMIS.

Intiisa badan waxaa kulanka looga hadlay xaqiijinta amniga dooraashooyinka ka socda dalka, gaar ahaan mida madaxweynaha.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku booriyay inay gutaan waajibaadkooda shaqo mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta Amniga doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here