Faah-faahino kasoo baxaya qarax maanta ka dhacay duleedka Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax barqanimadii maanta ka dhacay gudaha deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, kaas oo lala eegtay gaari ay leedahay Shirkadda Adeegga Korontada ee BECO.

 

Gaariga oo ahaa booyad ayaa waxaa lagu qarxiyay halka loo yaqaano Jabad Geelle, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in gabi ahaan uu burburay gaariga, waxaana sidoo kale uu dhaawac soo gaaray darwalkii waday.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi.

Todobaadkan gudihiisa ayay ahayd markii gaari ay la socdeen shaqaale ka tirsanaa Shirkadda Hormuud lagu qarxiyay deegaanka Garasbaaley, kaas oo lagu dilay lix qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here