Faah faahino kasoo baxaya qarax maanta ka dhacay degmada Balcad

0

BALCAD (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka qarax khasaare geystay uu ka dhacay degmada Balcad, kaas oo sababay khasaare kala kuwan.

Qaraxa ayaa ka dhashay bam-gacmeed lagu weeraray goob maqaaxi ah oo ku taalla gudaha degmadaasi, xilli ay dad badan ka cunteynayeen halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarkan qaraxa ah uu geystay khasaare u badan dhaawac, waxaanta goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay ugu yaraan illaa saddex qof oo kala ah guddoomiyaha maxkamadda Balcad, guddomiyaha tuulada Mareerey iyo mid ka mid ah nabadoonnada maamulka HirShabelle, sida uu shaaciyey Gaashaanle Dhexe Xuseen Macallin Cabdulle oo ah taliyaha saldhigga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana dadka ay waxyeelada soo gaartay gurmad u fidiyey ciidamada ammaanka iyo qaar ka mid ah dadka deegaanka .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here