Wararkii ugu dambeeyay ee howlgallada ka socda gobolka Mudug

0

CAAD (SMN) – Wasiirka warfaafinta Galmudug Abshir Cabdi Shiiqow oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgallada ka socda gobolka Mudug.

Wasiirka ayaa sheegay in Al-Shabaab lagu jabiyay gobolka, isla markaana khasaare culus lagu gaarsiiyay dagaalladii ugu dambeeyay ee ay qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in laga xoreeyay dhul ballaaran, maalmaha soo socdana lasoo afjari doono, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka dagay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, waxaana ujeedka uu yahay inuu dardargeliyo howlgallada ka socda gobollada dhexe ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here