Faah-faahino kasoo baxaya weerar culus oo ka dhacay duleedka Balcad

0

BALCAD (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ku yaalla duleedka degmada Balcad ee gobolkaasi.

 

Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Xawaadley oo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka ATMIS.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka kadib uu xigay dagaal toos ah oo dhex-maray ciidamada Xoogga dalka iyo dagaalyahanada weerarka soo qaaday, kaas oo qaatay ku dhowaad muddo saacad ah.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka Al-Shabaab, ayna gaarsiiyeen khasaare culus.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana goobaha lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS oo haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here