Sawirro: Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wada-hadlay dagaalka Al-Shabaab

0

NAIROBI (SMN) – Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xfs Mudane Cabdifitaax Qaasim iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye gaas Ibraahim Shiikh Muxudiin ayaa kulan kula qaatay Magaalada Nairobi Ee dalka Kenya Saraakiil sar sare oo ka socday Wasaaradda Difaaaca Maraykanka.

 

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa qayb ka ahaa agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdixakiin Maxamed Yuusuf iyo xubna kale.

Sidoo kale waxaa kulankan diirada lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa wadashaqaynta Soomaalia iyo Maraykanka, gaar ahaan dhinaca Amniga iyo sidii Dawlada Maraykanku usii laba jibaari lahayd Tageerada ay siiso Dawlada Soomaalia.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xfs Cabdifitaax Qaasim iyo Taliyaha Ciidanka XDS S/Gaas ibraahim Sheikh Muxudiin iyo masuuliyiinta kale ayaa umahd-celiyay Saraakiisha kasocotay Dowladda Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here