Faah faahino kasoo baxaya weerar ka dhacay garoonka magaalada Jowhar

0

JOWHAR (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay dagaalyahanada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee Jowhar.

Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa uu ku billowday hoobiyeyaal, waxaana xigay dagaal toos ah oo dhex-maray ragga weerarka qaaday iyo ciidamada AMISOM.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay inay maqlayeen dhawaqa hubka culus ee ay is-weydaarsanayeen labada dhinac, balse ma cadda khasaaraha soo kala gaaray.

Xaaladda ayaa maanta deggan, waxaana goobta isaga baxsaday dagaalyahanada Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday garoonka Jowhar oo ay dagan yihiin ciidanka AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here