Maxkamadda ciidamada oo toogasho ku xukuntay askari horay dil u geystay

0

BELEDXAAWO (SMN) -Gaashanle Maxamed amiin Cabdulle Aadan Guddomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida qeybta 27-aad ayaa ku dhawaaqay xukunka eedeysane dable NISA, Maxamed Cali Xuseen oo 23 Novembar ee Sanadkan dil  ka geystay magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.

Dable Maxamed Cali ayaa bil ka hor toogasho ku dilay, Sakariye Axmed Gaarane iyo Axmed Sharma’ arke Cabdulle oo ku sugnaa garoonka kubadda cagta degmadaasi.

Guddomiyaha maxkamadda, ayaa soo bandhigay baaritaanno iyo xogta marqaatiyaasha goob-joogga ka ahaa dhacdadaasi, wuxuuna dood dheer ka dib ku xukumay qisaasta labada marxuum oo ah dil, isaga oo shaaciyey inay u furan tahay racfaan qaadasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here