Faah faahino kasoo baxaya weerar ka dhacay gobolka Jubbada Hoose

0

KISMAAYO (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaalyahanada Al-Shabaab saacadihii la soo dhaafay weerar loo adeegsaday madaafiic  ay ku qaadeen saldhig ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Jaziiradda Kudhaa ee gobolkaasi.

Madaafiicda ayaa waxaa lagu soo warramayaa in qaarkood ay ku hoobteen gudaha saldhigga, halka kuwa kalena ay ku dhaceen agagaarka xeradaasi.

Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkan waxa ay shaacisay in illaa 10 madfac ay la heshay saldhigga, isla-markaana ay khasaare ku gaarsiisay ciidamada Kenya.

Sidoo kale waxaa wararka ay sheegaan in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ay dhankooda ku jawaabeen madaafiic, kadib weerarka lagu qaaday saldhigooda.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana deegaanka Jaziiradda Kudhaa howl-gallo culus ka wada ciidamada Kenya iyo kuwa Xoogga dalka ee ka howl-galka halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here