Guddoomiyaha maxkamadda sare oo la kulmay dhiggiisa Rwanda

0

KIGALI (SMN) – Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf ayaa magaaladda Kigali ee Dalka Rwanda kula kulmay dhigiisa Maxkamadda Sare ee dalkaasi.

Labada guddoomiye ayaa ka wada hadlay kobcinta xiriirka labada Garsoor iyo waddaaga waayo-aragnimada shaqo ee labada dal.

Sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Soomaliya iyo wafti culus oo uu hoggaaminayo ayaa inta ay booqashada shaqo ku joogaan dalka Rwanda waxay kulamo kala duwan kula qaadan doonaan Hay’addo iyo madax kale oo ka tirsan dalka Rwanda.

Waftiga ayaa guddoomiyaha maxkamadda Sare ee Rwanda uga mahadceliyey soo dhoweynta qiimaha leh ee uu u sameeyey waftiga ka socda Garsoorka Soomaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here