Faahfaahin ku saabsan qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya jugta qarax aad u xooganaa oo xalay saq-dhexe laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho.

 

Qaraxa oo ahaa miidno ayaa la sheegay in lagu xiray dunkaan lagu iibiyo agab kala duwan, loona yaqaano Super Market oo ku yaalla isgoyska Black Sea, degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in wax khasaare nafeed ah uusan gaysan qaraxan, balse waxaa jiro  burbur soo gaaray dhismaha la weeraray.

Goobta ganacsi ee la qarxiyay ayaa la sheegay in dhawaan lagu xiray kaamirada qarsoon ee loo yaqaano CCTV, kadib amar kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan qaraxaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here