Faahfaahino ka soo baxaya dagaal culus oo ka dhacay degmada Wanlaweyn

0

WANLAWEYN (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed uu saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka degmada Wanlaweyn ee gobolkaasi

 

Dagaalka oo soo billowday shalay gelinkii dambe ayaa soo gaaray illaa xalay, waxaana uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan illaa 10 qof ayaa ku dhintay dagaalkan, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, sida ay Idaacadda Shabelle u sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dgaaalka uu sababay muran ka dhashay dhul daaqsimeed ku yaalla halkaasi oo ay isku qabteen labada beelood.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada oo ku aadan dagaalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here