Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka daah-furay Habraaca Wadashaqeynta Booliiska iyo Warbaahinta

0

Muqdisho – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay Habraaca Wadashaqeynta Booliiska iyo Warbaahinta, kaas oo lagu xoojinayo xiriirka, is-fahamka iyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo warbaahinta dalka.

 

Habraacan ayaa waxaa diyaarisay Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA), iyadoo kaashanaysa Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo hay’adda IMS. Munaasabadda daah-furka waxaa ka qeyb galay agaasimayaal ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta, saraakiil booliis, culimo, xubno ka socda bulshada rayidka ah iyo ururrada warbaahinta.

Xoghayaha Guud ee SOMA, Maxamed Cabdulwahaab, ayaa sheegay in habraacani uu muhiim u yahay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta Booliiska iyo warbaahinta, si loo helo hannaan wadajir ah oo lagu maareeyo xiriirka labada dhinac.

Sidoo kale, Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan, ayaa sheegay in diyaarinta habraacu ay soo martay marxalado kala duwan oo wadatashi ah, kuwaas oo ugu dambeyn horseeday is-faham wanaagsan oo ay gaareen dhinacyada ka qeyb qaatay.

Wasiir Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa bogaadiyay SOMA iyo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed dadaalka ay geliyeen diyaarinta habraacan, isaga oo xusay in warbaahin xirfad iyo masuuliyad leh iyo booliis ilaaliya amniga iyo badqabka suxufiyiintu ay laf-dhabar u yihiin xorriyadda hadalka, helitaanka xog sugan iyo xasilloonida bulshada.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku baaqay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta ay gaareen hay’adaha amniga iyo warbaahinta, lana fududeeyo helitaanka xogaha rasmiga ah, halka uu warbaahinta kula dardaarmay xaqiijinta macluumaadka iyo ilaalinta masuuliyadda xirfadeed.

Ugu dambeyn, Wasiirka Warfaafinta ayaa ballanqaaday in Wasaaraddu diyaar u tahay inay ka wada-shaqeyso sidii habraacan loogu beddeli lahaa nidaam sharci ah, isla markaana loo ballaarin lahaa dhammaan hay’adaha amniga iyo warbaahinta dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here