Faahfaahino ka soo baxaya duqeyn culus oo ka dhacday gobolka Gedo

0

GARBAHAAREY (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ay gobolkaasi duqeyn culus ka fuliyeen diyaaradaha dagaalka dalka Kenya.

 

Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday deegaanka Faxfax-Dhuun ee gobolkaasi, ayada oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah.

Qaar ka mid ah dhaawacyada ka dhashay duqeyntan ayaa la geeyay degmada Ceelwaaq, si loogu dabiibo xaaladdooda caafimaad.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Gedo oo ku aadan duqeyntaas lagu waxyeeleeyay shacabka, isla-markaana ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya.

Si kastaba, duqeyntan ayaa kusoo aadeysa, xilli maalmihii u dambeeyay ay Al-Shabaab kordhisay weerarada ay ka fulineyso dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee waddankaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here