Wafdi xal raadin ah oo gaaray magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose

0

BARAAWE (SMN) –  Wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa gaaray magaallo xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya gudoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xassan Cali Nuur Shuute, waxaana sidoo kale qeyb ka ah Wasiirka Cadaaladda Koonfur Galbeed Xasan Cabduqaadir Maxamed.

Xubnahan ka kala socda dowladda federaalka Soonaaliya iyo Koonfur Galbeed ayaa Baraawe u tegay sidii ay xal uga keeni lahaayeen xiisadda ka taagan gudaha magaaladaasi.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, Maxamed Ibraahim Barre oo soo dhaweeyay wafdigan ayaa shaaca ka qaaday in ujeedkooda uu yahay dhameystirka dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisadda Baraawe.

“Waxaan bogaadinayaa socdaalka ay ku soo gaareen Magaalada Baraawe oo sidoo kale maalmo Ka hor aan ku soo dhaweenay mas’uuliyiin ka tirsan Xeer ilaalinta iyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida. Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose waxa uu si balaaran u soo dhaweenayaa dhamaan Dhinacyada ka qeyb qaadanaya in xal loo helo shaqaaqooyinkii dhawaan ka dhacay Baraawe ayuu yiri” Guddoomiye Maxamed Ibraahim.

Baraawe ayaa waxaa maalmo ka hor ku dagaalamay ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed, taas oo keentay in uu faraha ka baxo ammaanka nagaaladaas oo xeebta ku taalla.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here