Faahfaahino kasoo baxaya dagaal ka socdo duleedka magaalada Laascaanood

0

LAASCAANOOD (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka uu mar kale dagaal culus dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

 

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu xoogiisu ka socdo aagga deegaanka Buqdharkayn oo ay maalmihii u dambeeyay isku horfadhiyeen labada dhinac.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka uu yimid, kadib markii ciidamada Somaliland ay weerar kusoo qaadeen fariisimo ay SSC ku lahayd halkaasi, waxaana kadib xigay dagaal toos ah.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan 7 qof oo labada dhinac, waxaana sidoo kale jira khasaare dhaawac ah oo intaasi kasii badan.

SSC oo war kasoo saartay dagaalkan ayaa sheegtay inay iska difaacday weerar uga yimid dhanka Somaliland, ayna ka qabteen tiro maxaabiis ah hub iyo gaadiid dagaal.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Somaliland oo ku aadan dagaalka ay maanta ciidamadooda la galeen kuwa SSC-Khaatuma.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lasoo warinayaa in ciidamo gurmad ah ay sii gaarayaan furimaha hore, gaar ahaan halka uu dagaalka ka socdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here