Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray magaalada Baydhabo + Sawirro

0

BAYDHABO (SMN) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo kuso dhoweyey Wafdi uu Hogaaminayey Gudoomiyaha Gollaha Shacabka BFS Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

 

Socdaalka Gudoomiyaha Baarlamaanka Magaalada Baydhabo ayaa ah ka qeybgalka Shirka Xildhibaanada labadda Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay uga arinsanayaan Geediga Dowlad dhiska Soomaaliya, Howlgalka Wajiga 2-aad ee Dagaalka iyo Wax ka qabashada Saamaynta Fatahaadaha.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here