Faahfaahino kasoo baxaya muwaadiniin Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

0

RUSTENBURG (SMN) – Allaha u naxariistee laba muwaadin oo Soomaaliyeed ayaa xalay lagu dilay magaalada Rustenburg ee gobolka North West ee dalka Koonfur Afrika.

 

Labada marxuum ayaa waxaa lagu kala magcaabi jiray Ibraahim Warsame iyo Cabdiraxiim Xasan Cali, sida uu Shabelle u xaqiijiyey guddoomiyaha Jaaliyadda gobolka waqooyi galbeed ee dalkaasi  Mustafa Shirwac Cali.

Wararka ayaa sheegaya in dilka ay ka dambeeyeen kooxo burcad ah oo weerar ku qaaday dukaan ay ku sugnaayeen muwaadiniintaasi, kadibna ay goobta isaga baxsadee.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi balse ma jirto natiijo kasoo baxday.

Koonfur Afrika ayaa waxaa badanaa lagu beegsaday Soomaalida ku sugan oo ganacsiyo kala duwan ku leh gudaha dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here