Xaalad dhanka nolosha ah oo ka taagan deegaanka Fiidow

0

BELEDWEYNE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in haatan xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka taagan tahay deegaanka Fiidow ee gobolkaasi.

 

Deegaankan oo ku yaalla xadka wadaagaan Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ku fatahay wabiga Shabelle, waxaana wada gaaray biyaha, sida ay muujinayaan muuqaalo laga soo duubay dusha sare ee magaalada.

Farxaan Nuur Xasan oo ah guddoomiyaha deegaanka Fiidow oo la hadlay Shabelle ayaa qaylo dhaan kasoo saaray xaaladda ka jirta halkaasi, wuxuuna farriin cod dheer ah u diray dowladda dhexe, HirShabelle iyo hay’adaha Samafalka ee ka howlgala gobolka.

Hiiraan ayaa kamid ah meelaha ay ku dhufteen fatahaadaha, waxaana xaalad adag ay ka jirtaa magaalooyinka Beledweyne, Buuloburde iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here