Faahfaahino kasoo baxaya qarax ka dhacay degmada Ceelwaaq

0

CEELWAAQ (SMN) – Faahfaahinada iyo macluumaadka laga helayo ayaa isa soo taraya qarax saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kaas oo gaystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

 

Kornayl Aadan Rufle oo ku sugan aagga Ceelwaaq ayaa Idaacadda Shabelle uga warbixiyay weerarkaas oo ay ka dambeeyeen Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in qaraxa lala bartilmaameedsaday dad shacab ah, gaar ahaan meel ay dagan yihiin qoysas barakacayaal ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in qaraxa kadib la sameeyay howllgallo, balse illaa iyo hadda aan lasoo qabin raggii ka dambeeyay falkaasi.

Gedo ayaa waxaa inta badan weeraro qaraxyo ah ka fuliya Shabaab, kuwaas oo qaarkood lagu khaarijiyay saraakiil ka tirsanaaa ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo ka howlgalayay gobolkaasi oo dhaca koonfurta dalka, isla-markaana hoostaga Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here