Ganacsade kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo lagu dilay magaalada Boosaaso

0

BOOSAASO (SMN) – Ibraahim Cabdiraxmaan Cabdi oo kamid ahaa ganacsatada caanka ka ah Puntland isla-markaana kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa saaka aroortii isagoo Masaajidka kasoo baxay lagu dilay Magaalada Boosaso ee Xarunta Gobolka Bari.

 

Dabley hubeysan oo goobta ka baxsaday ayaa rasaas la dhacay Marxuumka oo sidoo kale madax iyo hogaan dhaqanba u ahaa bulshadda reer Koonfur Galbeed ee ku nool Boosaaso.

Meydka Marxuum ibraahim Cabdiraxmaan ayaa door dambe goobta laga qaaday, waxaana kadib yimid ciidanka ammaanka Magaaladaasi oo haatan baaritaano wada.

Dhinaca kale Jimcihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Boosaaso gurigiisa lagu dhexdilay Khadar Cabdi Cali oo ahaa guddoomiyaha dhalinyarada Soomaali Galbeed ee Puntland.

Illaa iyo hadda mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Bari kama hadlin dilalkaan qorsheysan ee ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamul goboleedka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here