Faahfaahino kasoo baxaya qarax lala beegsaday ciidamada Kenya

0

MANDHEERA (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Kenya lagula beegsaday agagaarja magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

 

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in kolonyo ay wateen ciidamadan loo dhigay, xilli ay ku socdaalayeen duleedka magaaladaasi.

Saraakiisha ammaanka Kenya ayaa xaqiijiyay in qaraxa la dhigay waddada dhinaceeda, isla-markaana uu haleelay mid ka mid ah kolonyada gaadiidka ee ay wateen ciidankooda.

Ugu yaraan todobo askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ayaa lagu dhaawacay weerarkan qaraxa loo adeegsaday, kuwaas oo loo qaaday magaalada Nairobi ee caasimada dalkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada la qarxiyay ay kusoo jeedeen dhanka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaas oo ay ku leeyihiin saldhig ciidan.

Maalmihii u dambeeyay Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka fulineyso gudaha dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada u dhow xadka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here