Faahfaahino kasoo baxaya qaraxyo xalay ka dhacay suuqa weyn ee Bakaaraha

0

MUQDISHO (SMN) –  Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyo xoogan oo xalay ka dhacay suuqa Bakaaraha, kuwaas oo si xoogan looga maqlay gudaha caasimadda.

 

Qaraxyadan oo ahaa miinooyin ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu weeraray goobo ganacsi oo ku yaalla suuqa, kadib markii lagu xiray kaamirooyinka qarsoon ee CCTV.

Lama soo warin wax khasaare nafeed ah, balse waxaa jira burbur soo gaaray xarumaha ganacsi ee qaraxyada lagu weeraray.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayay weeraro qaraxyo ah oo lagu bartilmaameedsanayo xarumaha ganacsi ee hoggaansamay amarka dowladda ee ku aadan kaamirooyinka qarsoon ee CCTV.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here