Somaliland oo sheegtay inay qabatay basaasiin u shaqeynayay SSC iyo Puntland

0

HARGEYSA (SMN) – Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay rag basaasiin u ahaa SSC-Khaatuma iyo Puntland, kadib howlgal ay hay’adda sirdoonka Somaliland ka sameysay magaalada Oog ee gobolka Sool.

 

Qoraal kooban oo kasoo baxay Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay inay ragga lasoo qabtay ay yihiin saddex, kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay Cabdifataax Cali Cabdi, Cabdifataax Xasan Cilmi iyo Cabdirashiid Muxumed Ibraahim.

Raggan ayaa lagu eedeeyay inay xogaha amniga la wadaagj jireen SSC iyo Puntland, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

“Hay’adda ugu saraysa amniga Somaliland NIA IntellSL ee sirdoonka qaranka oo kaashanaysa laamaha nabadgelyada ayaa degmada Oog ku qabatey, Cabdifataax Cali Cabdi, Cabdifataax Xasan Cilmi, iyo Cabdirashiid Muxumed Ibraahim Oo ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu muhiimsan ee xogaha amniga siin jiray kooxaha huwanta ah ee ka dagaalama Laascaanood” ayaa lagu yiri qoraalka.

Somaliland iyo SSC-Khaatuma ayaa weli ku dagaalamaya qaybo kamid ah gobolka Sool, inkastoo maalmihii u dambeeyay xaaladdu ay ahayd mid deggan.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here