Faahfaahinta qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo caawa ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

 

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay maqaayadda Blue Sky oo ku taalla agagaarka xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in qaraxa uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa oo dhex tegay dad badan oo ku sugnaa maqaayadda, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Dadka ku dhintay qaraxaan waxa kamid ah agaasimihii Tv-ga Somali Cable, Cabdiftaax Macallin Nuur Qays iyo dad kale oo ku sugnaa maqaayadda la qarxiyay

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here