Soomaaliya oo ka qayb-gashay shirka golaha cadaaladda Jaamacadda Carabta

0

BAQDAAD (SMN) – Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka dowladda FS mudane Xasan Macallim Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay shirka golaha cadaaladda ururka Jaamacadda Carabta ee maanta ka furmay magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq, ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliyeed ay diyaar u tahay in iskaashi Garsoor iyo Cadaaladeed ay la yeelato wadamada jaamacada Carabta.

 

Mudane Xasan Macallim ayaa dowladda Qiraaq uga mahad celiyay martigelinta shirka ayaa qiray in dowladda Soomaaliyeed ay garab taagantahay Qadiyada Falastiin ayna ka xuntahay Ciqaab wadareedka iyo barakicinta lagu haayo shacabka Gaza.

Wasiirka ayaa sidoo kale khudbadiisa ku sheegay guulaha waaweyn ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen dagaalka Khawaarijta, deegaanno badan oo laga xoreeyayna la gaarsiiyay adeegya garsoor iyo cadaaladeed, waxuuna dhammaan wadamada uga mahad celiyay taageeradooda buuxda ee ay la garab taaganyihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

   

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here