Fahad oo fariin ku aadan qabuuraha Iskuul Buluusiya u diray Md Xasan Sheekh.

0
La taliyaha amniga qaranka Fahad Yasiin

𝐒𝐔’𝐀𝐀𝐋 π–π€π‹π€π€π‹ππˆπŒπŽ 𝐈𝐘𝐎 πŒπˆπƒ πˆπ’π‹π€π€πŒππˆπŒπŽ

 

Qoraalkan kuma socdo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Wuxuu la hadlayaa Xasan Sheekhii muwaadinka wanaagsan ahaa ee aan saaxiibka dhaw la’ahaa sanado badan.

Haddii qof qoyskaada ah uu ku jiri lahaa qubuuraha lasoo faagayo. Haddii aad mucaarad banaan joog ah ahaan lahayd. Haddii aad Imaam Masjid ahaan lahayd. Haddii aadan dano ganacsi lahaan lahayn.

Haddii damiirkaada Islaamnimo nool yahay. Haddii damiirkaada Soomaalinimo nool yahay. Haddii aad ahaan lahayd muwaadin caadiya oo 70 sano jir ah.

Walaalkay Xasan Sheekhoow, adigoo hortaada lagu soo faagayo qubuuraha Muslimiinta, oo misana loo baddalayo goob ganacsi oo ay ka macaashayaan dad Madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka u dhaw. πŒπ€π—π€π˜ π“π€π‡π€π˜ π“π€π‹π‹π€π€ππ€πƒπˆπˆ 𝐀𝐀𝐃 𝐉𝐄𝐂𝐋𝐀𝐀𝐍 π‹π€π‡π€π˜πƒ πˆππ”π” ππ€π€πƒπŽ πŒπ€πƒπ€π—π–π„π˜ππ€π‡π€ π•πˆπ‹π‹π€ π’πŽπŽπŒπ€π€π‹πˆπ˜π€ π…π€πƒπ‡πˆπ˜π€

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here