Sawirro: Maxaa kasoo baxay shirka golaha wasiirada HirShabelle?

0

JOWHAR (SMN) – Shirka Gollaha Wasiirrada waxaa shir-guddoomiyay ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) waxana diirrada lagu saaray arrimo dhowr ah.

 

Ugu horreyn waxaa warbixin laga dhageystay Wasaarrada Amniga Guddaha oo si faahfaahsan u soo gudbisay xaaladdihii amni ee ugu dambeeyay iyo halka uu maarayo dagaalka Al-Shabaab.

Sidoo kale Wasaarrada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa Gollaha Wasiirrada la wadaagtay bandhig dhaqameed ay toddobaadkan ku qabatay degmada Aaden Yabaal oo ka mid ah goobaha laga xorreeyay cadowga.

Wasaarrada Cadaallada ayaa tilmaamtay in horumar weyn laga sameeyay dhinaca Garsoorka oo muddooyinkii dambe horumarin iyo balaarin ay ku socotay.

Wasaarradaha Arrimaha Guddaha, Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada iyo Xanaannada iyo Xoolaha ayaa soo gudbiyay waxqabadkooda iyo halka ay wax u marayaan.

Ugu dambeyn Madaxweyne Yuusuf Dabageed ayaa faray Gollaha Wasiirrada in la dardargeliyo dhammaan howlaha hor-tebinta u leh maamulka Hirshabeelle.

DHAMMAAD.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here