Fahfaahin ku saabsan Qaraxa Mandheera

0

MANDHEERA, Kenya – Saddex qof ayaa ku dhimatay, in ka badan 20 qof oo kale way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay magaalada Mandheera ee dalka Kenya, sida ay sheegeen saraakiisha amaniga.

 

Qaraxa ayaa ka dhacay goob maqaayad cuntada laga cuno, oo ku dhaw saldhiga booliska magaaladda. Dadka dhintay ayaa kala ahaa labo askari oo boolis ah iyo haweenaydii lahayd maqaaxidda Mama Samaki hotel. Laamaha amaniga ayaa sheegay in bam-ka la geliyay maqaaxidda xalay kadibna saakay markii dadka yimaadeen lagu qarxiyay remote-control.

Ma jirto cid sheegatay illaa hadda mas’uuliyadda qaraxa Mandheera, oo ah magaalo ku taalla xadka Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan, kana tirsan gobolka waqooyiga bariga oo mudooyinkii dambe Al-Shabaab weerarka ka geysanaysay.

Axadii, ugu yaraan laba xubnood oo ka tirsan Ciidanka booliska Kenya ayaa lagu dilay weerar ka dhacay Lamu. Booliiska ayaa sheegay in askari kale oo kayd ah uu ku dhaawacmay qaraxa miino.

Weerarada Al-Shabaab waxay sababeen dhimasho badan iyo barakac, iyadoo saameyn ku yeelatay horumarka gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya.

Howlgallo ballaaran ayaa ka socda deegaanada xadka oo looga hortagayo weerarrada Al-Shabaab, sida dowladda Kenya ay sheegtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here