Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulamo ka wada magaalada London

0

LONDON (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo howlo shaqo u jooga dalka UK ayay kulan soo dhaweyn ah u sameeyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Maamulka SSC-Khaatumo ee ku dhaqan magaalada London.

 

Guddoomiyaha ayaa jaaliyadda uga warbixiyay xaaladda dalka iyo dadaallada bani’aadannimo ee socda, isagoo u soo bandhigay in ay ka qeyb qaataan wax-ku-darsiga sanduuqa dhaqaale ee loo furayo hay’adda si awood loogu yeesho ka jawaabista gargaarka deg-degga ah.

Jaaliyadda ayaa si weyn uga mahadcelisay sida ay SoDMA ugu gurmatay dadka gobolka Sool xilligii colaadaha, halka guddoomiyuhu ku boorriyay in ay xoojiyaan garab istaagga dadka nugul ee dalka ku sugan, kuwaas oo wajahaya nolol adag oo gacan qabad u baahan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here