Farmaajo oo Garab Istaag u Muujiyay Garsoore Cumar Cartan

0

MUQDISHO – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay inuu khadka taleefanka kula xiriiray garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan, kaddib markii laga reebay ka qeybgalka ciyaaraha Koobka Adduunka ee 2026.

 

Farmaajo ayaa sheegay inuu la wadaagay garsooraha dareenkiisa ku aaddan caqabadda uu la kulmay, isagoo ku ammaanay dadaalka iyo kaalinta uu ku leeyahay matalaadda Soomaaliya ee fagaarayaasha caalamiga ah.

Madaxweynihii hore ayaa xusay in Cumar Cartan, oo loo aqoonsaday garsooraha ugu wanaagsan Afrika sanadkii 2025, uu tusaale u yahay kartida, adkaysiga iyo hal-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed ee duruufaha adag kaga gudba dadaal iyo samir.

“Cumar wuxuu astaan u yahay dadaalka iyo guusha ay gaari karaan dhallinyarada Soomaaliyeed marka ay helaan fursad iyo dhiirrigelin. Wuxuu si sharaf leh u matalayaa magaca Soomaaliya,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa tilmaamay in dhacdadan ay muujinayso sida xaaladaha siyaasadeed iyo sumcadda dowladnimo ay saameyn ugu yeelan karaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka dalka matalaya ee guulaha ka gaaraya heerarka caalamiga ah.

Waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay garab istaag iyo taageero u muujiyaan Garsoore Cumar Cartan, isagoo si gaar ah bulshada ku nool caasimadda Muqdisho uga codsaday inay si diirran u soo dhaweeyaan marka uu dalka dib ugu soo laabto.May be a graphic of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here