MUQDISHO – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa hambalyo u diray shacabka, Dowladda iyo hoggaanka Jamhuuriyadda Jabuuti munaasabadda 27-ka Juun oo ah maalinta xorriyadda iyo madaxbannaanida dalkaas.
Farmaajo ayaa sheegay in munaasabaddani ay xasuusinayso doorkii shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku lahaayeen garab istaagga halgankii gobannimo-doonka shacabka Jabuuti, taas oo muujinaysa walaaltinimada iyo iskaashiga taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal.
Ugu dambeyn, wuxuu u rajeeyay shacabka iyo Dowladda Jabuuti nabad waarta, barwaaqo iyo horumar joogto ah.



![Nabadoonka Beesha Aadan Warsame ee Xawaadle oo lagu doortay Muqdisho [Sawirro]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/07/yaab-150x150.png)
