Muqdisho – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa si kulul uga hadlay xayiraadda iyo tallaabada lagu qaaday taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan.
War-saxaafadeed uu soo saaray ayuu Farmaajo ku sheegay in tallaabada lagu qaaday taliyaha ay tahay mid aan sharci ahayn oo leh ujeeddooyin siyaasadeed.
Farmaajo ayaa sheegay in ciidan la dul dhigay hoyga Sarreeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan ee magaalada Muqdisho, isla markaana laga qaaday xorriyaddiisa, arrintaas oo uu ku tilmaamay “fal cad oo aargoosi siyaasadeed ah.”
Sidoo kale, Farmaajo wuxuu sheegay in tallaabooyinka noocan ah ay muujinayaan in Madaxweynaha hadda talada haya, Hassan Sheikh Mohamud, uu qaaday waddo uu ku tilmaamay mid u eg kali-talisnimo.
Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale sheegay in ay sii kordhayaan, sida uu yiri, beegsiga lagu hayo wasiirro, xildhibaanno, saraakiil iyo masuuliyiin ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo taageersan qabsoomidda doorasho ka dhacda deegaannadooda.
Wuxuu intaas ku daray in arrimahaas ay muujinayaan, sida uu hadalka u dhigay, in madaxda dalka ay ka leexdeen wa shacabka.
Farmaajo ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dowladda in si degdeg ah loo sii daayo Sarreeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan, isaga oo ka digay in ku takri-falka awoodda dowladeed iyo dano shaqsiyeed ay halis gelin karaan dowladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.




