Baydhabo – Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha ee ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka soo xulista xildhibaannada cusub iyo qabashada doorashada guddoonka Baarlamaanka maamulkaasi.
War-saxaafadeed ay soo saareen guddiga ayaa lagu sheegay in jadwalkan uu qeexayo habraaca iyo waqtiga la qabanayo doorashooyinka, si loo dhiso Baarlamaanka cusub ee dowlad goboleedka.





