Farmaajo oo ka horyimid qorshe xasaasi ah oo ay waddo Villa Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadee ee dalka.

Farmaajo ayaa ka horyimid qorshaha ay wadda Villa Soomaaliya ee ku aadan wax ka beddalka dastuurtka KMG ka ah ee Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka ayaa qornaa sidatan:-

Iyadoo aan ognahay khatarta jiritaan ee maanta ku xeeran dadka iyo dalka Soomaaliyeed,  Annagoo ka duulayna sida shacabka iyo Madaxda Soomaaliyeed ay ugu midoobeen difaaca midnimadooda iyo madaxbannaanidooda, meelna ay isaga dhigeen arrimaha khilaafka gudaha, mucaarad iyo muxaafidna ay arrinkan ku garab taagan yihiin Madaxweynaha iyo goleyaasha dowladda.

Waxaan ka walaacsannahay qorshaha Madaxtooyada ee lagu laalayo dastuurka iyo hannaanka maamul ee dalka, kaas oo ay ka dhalanayso qalalaase siyaasadeed oo wiiqaya hannaanka ku saleysan Federaalka iyo wadatashiga ee heshiiska lagu yahay.

Marxaladdan xasaasiga ah ee aynu ku jirno ma xamili karo dalkeennu in la abuuro khilaaf siyaasadeed iyo kala qeybin bulsho, sidaas awgeed waxaan ugu baaqaynaa Madaxweyne Xasan Sheekh, gudoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda in ay mideeyaan cududda iyo caqliga dadka Soomaaliyeed sidii loo difaaci lahaa midnimada, gobanimada iyo qarannimada dalkeenna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here