Farmaajo oo si adag uga hadlay weerarka lagu qaaday xarumaha Shirkada Hormuud

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo war qoraal ah soo saaray ayaa hadlay khilaafka soo kala dhex-galay Hay’adda NISA iyo Shirkadda Hormuud.

 

Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in xanibaadda la saaray xarumaha Shirkadda Hormuud iyo Bangiga Salaam Soomaali ay dhaawaceyso dhaqaalaha dalka.

Halkan hoose ka akhriso:-

Xanibaadda xarumaha iyo joojinta shaqada Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo Bangiga Salaam Soomaali, waa mid dhaawac ku ah sumcadda dhaqaale ee dalka, walwalna ku abuuraysa ganacsatada Soomaaliyeed.

Dalkeennu waxa uu ka soo kabanayaa duruufo naafeeyey dhaqaalaheenna, sidaas awgeed waxaa muhiim ah in la dhiirri-geliyo ganacsatada u soo dhabar adaygay xaaladihii adkaa ee dalkeenna soo maray, lagana fogaado in la wiiqo ganacsiga xorta ah ama la dhaawaco kalsoonidooda.

Dowladda waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta amniga maalgashadeyaasha, ganacsatada iyo goobaha ganacsiga, kuwaas oo door weyn ku leh shaqo abuurka dhallinyarada, horumarka iyo dhaqaalaha dalka, sidaas awgeed waxaan ku baaqayaa in degdeg loo xalliyo tacaddiga iyo dhibaatada ay shirkadaha Hormuud iyo Salaam Soomaali Bank ay ka tabanayaan Dowladda.

Shuruucda iyo xeerarka dalka ayaa hagaya ganacsiga xorta ah iyo shirkadaha waddaniga ah, wuxuuna siinaya xuquuq iyo dhiirrigalin buuxda si ay qayb uga noqdaan horumarka dalka guud ahaan.

Majirto waqti uu waddanku uga baahi badan yahay wadajir iyo isku duubnaan, si aan uga hortagno khataraha ummadeed ee nagu wajahan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here