Guddoomiye Madaale oo qaabilay wafdi ka socday dalka Cumaan + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, casho sharaf ugu sameeyay Wafdi ka socda Dowladda Cumaan oo marti qaad rasmi ah ka heysta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

 

Munaasabaddan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud, Wasiiro ka tirsan XFS, Xildhibaano, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Agaasimeyaal iyo marti sharaf kale.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa munaasabada kusoo bandhigay taariikhda xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab, kaasi oo ku dhisan dhaqan, dhaqaale iyo iskaashi, iyadoona wafdiga dalka Cumaan ay ka mahadceliyeen sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

      

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here