Farmaajo oo taageeray baaq ku saabsan doorka dhaqanka ee xalinta khilaafaadka siyaasadeed

0

Muqdisho – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si rasmi ah u taageeray baaq kasoo yeeray madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, kaas oo ku baaqay in odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed door muuqda ka qaataan xalinta khilaafaadka siyaasadeed ee dalka.

 

Baaqa ayaa ku yimid xilli xiisado siyaasadeed ay ka jiraan dalka, iyadoo la filayo in uu soo dhamaanayo muddo xileedka dowladda federaalka. Labada mas’uul ayaa hore uga hadlay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wadahadalka iyo midnimada qaranka.

Farmaajo ayaa sheegay in uu codkiisa ku biirinayo baaqa Shariif Sheekh Axmed, isla markaana uu soo dhoweynayo hadal uu hore u jeediyay Madaxweynaha xilka haya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo sidoo kale taageeray doorka odayaasha dhaqanka, gaar ahaan xilli lagu xusay munaasabaddii caleema-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi.

Farmaajo ayaa carrabka ku adkeeyay in duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ay yihiin laf-dhabarta xalinta khilaafaadka, isla markaana ay kaalin muhiim ah ka qaadan karaan ka hortagga dib-u-laabashada siyaasadeed iyo colaado sokeeye.

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay madaxda siyaasadda dalka, kuwa mucaaradka iyo muxaafadka, in ay si dhab ah u siiyaan odayaasha dhaqanka fursad ay kaga qayb qaataan geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Farmaajo ayaa xusay in dhaqanka Soomaaliyeed uu taariikh dheer ku leeyahay dhismaha dowladnimada, isla markaana uu yahay tiir muhiim ah oo lagu gaari karo xasillooni iyo xal waara.May be an image of ticket stub and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here