DOOLOW – Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Jubbaland ee gobolka Gedo, Jenaraal Cabaas Aadan Gurey, ayaa fayl guud kula hadlay cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta, isagoo ay wehliyeen saraakiil ka tirsan taliska.
Taliyaha ayaa ciidamada ku wargeliyay in dhawaan la bilaabi doono howlgallo culus oo ka dhan ah kooxaha nabadda diiddan, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida bulshada ku dhaqan gobolka Gedo.
Jenaraal Cabaas Aadan Gurey ayaa sidoo kale xusay in ciidamada Daraawiishta Dowladda Jubbaland ay mar walba u taagan yihiin ilaalinta nabadgelyada iyo badbaadada shacabka reer Jubbaland, isagoo ku booriyay askarta inay laba jibbaaraan dadaalkooda ku aaddan sugidda amniga.
Dhanka kale, Taliyaha ayaa sheegay in ay jiraan kooxo laga soo abaabulay Muqdisho oo dhibaato ku haya shacabka ku nool degmada Baladxaawo, isagoo carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in si degdeg ah tallaabooyin looga qaado.
Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa ciidamada ku dhiirrigeliyay feejignaan, wadajir iyo u hoggaansanaan amarrada taliska, si loo xaqiijiyo guulaha laga gaarayo howlgallada la qorsheeyay




