Farmaajo oo war kasoo saaray qarixii lagu dilay Sheekh Cabdinaasir Xaaji

0

MUQDISHO (SMN) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ku shihiiday qarax ay kooxaha arxan-laaweyaasha Argagixisada ahi kula eegteen magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa xusay in Sheekh Cabdinaasir ahaa daaci weyn oo lafdhabar u ahaa fidinta diinta islaamka iyo ilaalinta caqiidada suubban ee ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna Madaxweynuhu tilmaamay in falkaas arxandarrada ah uu ka marag kacayo sida ay argagixisadu duullaan ugu tahay diinta islaamka iyo nolosha haldoorka Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo argagixisada cadowga ku ah jiritaanka ummadda Soomaaliyeed ay ku dhishay magaalada Kismaayo. Sheekh Cabdinaasir waxa uu ahaa daaci weyn oo noloshiisa oo dhan u huray fidinta diinta islaamka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, waxa uuna caafimaad degdeg u rajeeyey culimada iyo muwaadiniinta kale ee dhaawacu ka soo gaaray falkaas arxan darrada ah”.

DHAMMAAD.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here