Taliska Booliska oo faah faahin ka bixiyey weeraro ka dhacay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in bambaanooyin lagu tuuray saldhigyada Booliska degmooyinka Wadajir, Hodan, Howl-wadaag iyo Boondheere ee gobolka Banaadir.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in weeraradan ay fuliyeen kooxo hubeysan oo ay haatan daba-gal ku hayaan laamaha ammaanka dowladda.

Cabdifitaax ayaa sidoo kale xaqiijiyey in ciidamada Booliska ay gacanta kusoo dhigeen illaa 7 qof oo ku eedeysan weerarada lagu qaaday saldhigyadaasi.

Muqdisho ayaa waxaa maalmihii u dmabeeyey ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida dilal qorsheysan iyo qaraxyo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here